Fahad Yaasiin oo aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare

La-taliyaha Amniga ee Madaxweyne Farmaano Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ku diiday qaadista dacwadda kursiga HOP#086.

Fahad Yaasiin ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in uu ixtiraamayo qaraarka Maxkamadda Sare, maadaama ay tahay hay’adda ugu sarraysa garsoorka dalka.

“Markii aan si qotodheer uga baaraandagay qaraarka ay soo saareen garsooreyaashu, waxaan rabaa in aan bulshada Soomaaliyeed la wadaago inaan ixtiraamayo qaraarka ka soo baxay maxkamadda sare, oo ah hay’adda ugu sarraysa ee garsoorka dalka, kaas oo ay ku sheegeen in aysan awood u lahayn go’aan ka gaarista gal-dacwadeedka” ayuu Fahad ku yiri war-saxaafadeedka.

Maxkamadda Sare ayaa diidista qaadista dacwadda Fahad Yaasiin, sabab uga dhigtay in aanay awood u lahayn ka garnaqida cabashooyinka ka dhasha go’aannada maamul ee Doorashooyinka Dadban.

PUNTLAND POST