Erdogan oo dhiggiisa Irsael u sheegay in uu ka xanaaqay rabshadaha Al-Aqsa

Madaxweynaha waddanka Turkiga Tayyib Erdogan ayaa ku wargeliyay dhiggiisa Israel Isaac Herzog in uu aad uga xumaaday falastiiniyiinta lagu dilay daanta Galbeed iyo Masjidka Al-Aqsa.

Ugu yaraan 152 falastiiniyiin ah ayaa ku dhaawacameen isku dhacyo ay booliska Israa’iil kula galeen gudaha dhismaha masjidka Al-Aqsa, taasoo aheyd tii ugu dambaysay ee ka dhalatay rabshado sare u qaaday cabsida laga qabo in ay dib ugu laabtaan iskahorimaad dheeriya.

Weerarradii ay kooxaha xagjirka ah ka geysteen Al-Aqsa maalmihii la soo dhaafay iyo rabshadaha Gaza ku faafay ayaan sidoo kale ka xumaaday” ayuu Erdogan u sheegay Herzog.

Erdogan waxa uu sheegay in uu sido kale  ku hoosta ka xarriiqay sida ay lagama maarmaanka u tahay in aan la oggolaan daandaansiga iyo hanjabaadaha ka dhanka ah maqaamka iyo cibaadada Masjidka Al-Aqsa.

PUNTLAND POST