
Iyadoo aysan weli Maxkamadda sare go’aan ka soo saarin kursigii laga xannibay Fahad Yaasiin ayaa maanta waxa bilowday diiwaan-gelinta Musharrixiinta u tartamaya Xilka Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.
Fahad Yaasiin ayaa wararku sheegayaan in uu si weyn u raadinayo Xilka Guddoomiye ku xigeenka Kowaad ee Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya kaas oo ay u sharraxan yihiin dad kala duwan.
Maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa laga sugaya in ay go’aan ka gaarto Kursiga Xildhibaannimo ee Fahad Yaasiin kadib markii uu Fahad dhowaan dacwad ka gudbiyay Guddiga Doorashooyinka FEIT oo laalay Kursigiisa.
Garyaqaanka guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale Maxkamadda sare ka dalbaday in ay gebi ahaanba diido dacwadda uu Fahad Yaasiin ka gudbiyay Guddiga Doorashooyinka FEIT islamarkaana ay ayiddo Go’aankii FEIT.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.