Cabdinaasir Biixi Soofe oo loo magacaabay maareeyaha dekedda Garacad

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maareeyaha dekedda Garacad u magacaabay Cabdinaasir Biixi Soofe.

Cabdinaasir Biixi ayaa soo noqday agaasimaha madaxtooyada Puntland xilligii xukuumaddii Cabdiweli Gaas

Sidoo kale wuxuu soo noqday agaasimaha hay’adda PMPF ee ciidanka badda Puntland.

Wuxu ka soo jeeda Beesha Cumar Maxamuud gaar ahaan Reer Cabdille Faarax.

PUNTLAND POST