
Muqdisho (Wararka PP) — Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo hagaga codadka xildhibaannada iyo senatarrada beesha Ciise ayaa genefka ku dhuftay isbahaysi siyaasadeed uu madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka sameeyay Muqdisho si uu doorashada ugu guuleysto mar kale. Madaxweyne Geelle lama dhacsana kaalinta dowladda Imaaraadku ku leedahay maalgelinta ololaha siyaasiyiin ka caawinaya inay sii maamusho dekedo Soomaaliyeed oo DP World maamusho kuwo kalena sidaa kula wareegeyso. Geelle wuxuu diiddan yahay qorsheyaal Imaaraadku ku yaraynayo saameynta dekedda Jabuuti kaddib ka bixistii heshiis DP World ku maamulaysay terminaal dekedda Jabuuti ku yaalla.
Sanadkii hore maxkamad dhexdhexaadin samaysa oo London ku taalla ayaa DP World u xukuntay in heshiis lagaga baxay.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi wuxuu taageersan yahay soo bixista Madaxweyne Xasan Sheekh oo taageeray heshiiskii DP World la gashay maamulka Somaliland si ay u maamusho dekedda Berbera. Wadahadalladii 2013kii dhexmaray Muqdisho iyo Hargeysa waxaa ku jiray qodob ah in aan horumarinta la siyaasadayn, qodob maamulka Somaliland u fasirtay inuu heshiisyo ku gali karo kaabayaasha qaranka sida dekedda Berbera ama inuu saldhig militari siin karo dal shisheeye.
Madaxweynaha Jabuuti ayay la taliyayaashiisu u sheegeen in Imaaraadku doonayo in DP World ay gacanta ku dhigto maamulista dekadaha Soomaaliyeed oo dhan si ay saameyn ugu yeelato marin badeed dheer oo ganacsiga adduunka lafdhabar u ah. Waa qorshaha uu Geelle u arko mid Jabuuti ka dhigaya dal ay halis ganacsi kaga soo socoto Soomaaliya.

Geelle ayaa la filayaa inuu dhowaan tilmaan kama dambays ah siiyo xildhibaannada iyo senatarrada beesha Ciise oo leh tirada ugu badan inkastoo ay hal degmo Soomaaliya ka degaan. Shirkii Carta sanadkii 2000 ayay beeshu ku heshay sadbursi siyaasadeed. Wuxuu Madaxweyne Geelle kala dooranayaa Madaxweyne Farmaajo, oo uu ugu dhirifsan yahay u iilashada Abiy Axmed iyo Isaias Afwerke xilligii isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika siyaasiyiinta seddexda dal ku celcelinayeen, iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo damacsan soo celinta saameynta Imaaraadku ku leeyahay Soomaaliya, taasoo Jabuuti u aragto halis dhaqaale waqtiga dheer. Taas waxaa dheer in Itoobiya ku talojirto inay yarayso ku tiirsanaanta dekedda Jabuuti.
Madaxweyne Muuse Biixi uma eka hoggaamiye labalabaynaya. Wuxuu Xildhibaannada ku dhow hadda, oo uu Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) garwadeenka u yahay, faray inay u codeeyaan isbahaysiga Imaaraadku baritaarayo. Waxay u badan tahay in Madaxweyne Geelle faro xildhibaannada ku beesha ah u codeynta Madaxweynaha Soomaaliya si loo hakiyo qorsheyaasha Imaaraadku u dejistay in kaabayaasha qaranka Soomaaliyeed noqdaan hanti DP World maamulato.
© Puntland Post, 2022
You must be logged in to post a comment.