Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa lagu wadaa in ay maanta gaaraan degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo halkaas oo loo wareejiyay doorashada 16-kii kursi ee taallay magaalada Garbahaarrey.
Wasiirka Arrimaha gudaha Jubaland Gen. Maxamed Warsame Darwiish oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka iyo mas’uuliyiin ka socda Madaxtooyada ayaa ku wajahan Ceelwaaq.
Wasiir Darwiish iyo mas’uuliyiin wehelisa ayaa doonaya in ay la kulmaan maamulka iyo bulshada degmada Ceelwaaq islamarkaana kormeer iyo qiimayn ku sameeyaan goobta lagu qabanayo doorashada 16-ka kursi.
Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in gelinka danbe ee maanta ay Ceelwaaq tegi doonaan Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aaden iyo Guddiga Doorashada heer Dowlad Goboleedka Jubaland.
Guddiga Hirgelinta Doorashada heer Jubaland oo dhowaan soo saaray jadwalka doorashada 16-ka kursi ayaa sheegay in la qaban doono inta u dhexaysa 18-27 bishaan April.
PUNTLAND POST