
Wargeyska The East African ayaa sheegaya in Midowga Afrika uu maalmaha soo socda Soomaaliya u magacaabi doono wakiil cusub kadib markii dhowaan dowladda Soomaaliya ceyrisay Francisco Madeira.
Wargeyska oo xiganaya ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in Midowga Afrika ay ku cadaadinayaan Ambassador Francisco Madeira in uu is casilo si uusan ugu muuqan nin la ceyriyay.
Wargeyska ayaa caddeeyay in wakiilkii Midowga Afrika uusan dib danbe ugu laaban doonin Soomaaliya kadib markii loo aqoonsaday shaksi aan dalka laga rabin.
Warbixinta ayaa lagu xusay in Ambassador Madeira uu Soomaaliya ka maqnaa markii uu soo baxay go’aanka ceyrintiisa kadibna uusan dib ugu laaban.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.