
Wararka ka imaanaya degaanka Wisil oo ka tirsan degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Al-shabaab laba jiho kaga sii siqayaan degaankaas.
Dagaallamayaal hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa sida wararku sheegayaan saacadihii la soo dhaafay laba dhinac kaga durkay degaanka Wisil.
Al-shabaab ayaa maalmihii u danbeeyay abaabul ciidan ka wadday dhulka ku xeeran Wisil islamarkaana waxa cabsi laga dareemay halkaas.
Ciidamo degaanka ah ayaa sidoo kale la sheegay in ay diyaar-garow ugu jiraan difaaca Wisil maadaama aysan weli garab ka helin Ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.