Baarlamanka 11-aad ee Soomaaliya oo maanta la dhaariyay

Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta  si rasmiya loogu dhaariyay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaannada Labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa dhaarin kadib yeeshay laba Guddoomiye oo ku meel gaar ah.

Cabdisalaan Xaaji Liibaan (Dhabancad) oo ah ninka ugu da’da weyn xubnaha Aqalka hoose ayaa noqday Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo ah ninka ugu da’da weyn Golaha Aqalka sare ayaa noqday Guddoomiyaha KMG ah ee Aqalka Sare.

PUNTLAND POST