Somaliland oo ka hadashay dhacdadii xabsiga Hargeysa

Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Axmed Cawaale Yuusuf ayaa ka hadlay rasaas maanta laga maqlay gudaha jeelka weyn ee magaalada Hargeysa, kadib markii ay gadoodeen qeyb ka mid ah maxaabiista halkaas ku xiran.

Taliyaha Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland wuxuu sheegay in shaqaaqadaasi ay ka dhacday qeybta kowaad ee xasbiga, kadib markii ay maxaabiista iyo ciidamada ilaalada isku maandhaafeen maxbuus la xerayn lahaa.

Taliyaha ayaa tilmaamay in shaqadaas ay ku dhaawacmeen ciidamo uusan tiradooda rasmiga ah xusin, sidoo kale wuxuu sheegay in aysan jirin maxaabiis wax ku noqotay iyo mid ka baxsatay xabsiga.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland wuxuu intaas ku daray in ay qabaan dacwad la xiriirta warar laga faafiyay oo sheegayay askar qoryo laga boobay.

Marka laga tago hadalka Somaliland, ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya sida ay wax uga dheceen xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa oo loo diiday in ay tagto warbaahinta madaxa bannaan.

PUNTLAND POST