Guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer federaal ee FEIT ayaa sheegay in maanta Xubno ka tirsan Guddiga ay u dirayaan Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka K/Galbeed, si xal looga gaaro tabashada Maamulka Koonfur Galbeed.
Guddiga Doorashooyinka FEIT ayaa hore u sheegay inay hakiyeen afar kamid ah kuraastii la doortay, kuwaasi oo Saddex kamid ah ay ka soo baxeen KGS, halka midka kalana ay deegaan doorashadiisu tahay Hirshabeelle gaar ahaan Magaalada B/Wayne oo ah deegaan doorashada labaad ee Dowlad Goboleedkaasi.
Khamiista todobaadkan oo ay Taariikhdu ku beegantahay 14/04/2022 ayaa lagu wadaa inay bilaabato dhaarinta Xildhibaannada dooran ee shahaadooyinka qaatay, sida lagu sheegay War qoraal ah oo Guddiga Doorashooyinku ay hore u soo saareen.
PUNTLAND POST