Muxuu Madaxweyne Farmaajo kaga hadlay khudbadii 12-ka Abriil?

Muuqaal: Nuxurka khudbadda Farmaajo

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qayb galay Munaasabadda Xuska Sannad Guurada 62-Aad ee Aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa jeediyay khudbad oo uu kaga hadlay dhowr arrimood.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii hore ka warramay muuhiimadda ay leedahay xuska 12-ka Abriil, taariikhda iyo mabaadi’da uu u aasaasan yahay Ciidankeenna geesiyaasha ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey dadaalladii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku bixisay dib-u-dhiska Ciidanka, joogtaynta xuquuqdiisa iyo soo celinta haybaddii uu lahaa Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dhammaan laga wada qayb qaato dadaallada dib-u-dhiska ciidanka iyo xoraynta dalka.

“Markii aannu xafiiska nimi, ciidanku ma lahayn gal iyo diiwaan sugan toona, taasoo horseedday in la musuqmaasuqo xuquuqda ciidanka. Si wax looga qabto dhibaatooyinkaas, waxaannu guud ahaan Ciidanka ku samaynay tirakoob iyo diiwaangelin casri ah. Waxaannu kor u qaadnay tababarrada, qalabaynta, tayaynta iyo kordhinta tirada ciidanka. Kumannaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah ayaa tababarro heerkoodu sarreeyo ku qaatay dalka gudihiisa iyo dibadda. Sidoo kale, waxaa kor loo qaaday miisaaniyadda ciidanka, iyada oo la kordhiyey lana jooogteeyey mushaharka Ciidanka” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Ciidan Xoogga Dalka Soomaaliyeed xaqiijinta amniga dalka, difaaca Xuduudaha dalka iyo hawlgallada ka dhanka ah argagixisada caadeysatay gumaadka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo u duceeyey dhammaan halyeeyadii Ciidanka Xoogga Dalka ee u shahiidday iyo kuwii u dhaawacmay difaaca dalka iyo ilaalinta badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiya Golaha Shacabka BFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaarihii Hore Mudane Cali Maxamed Geeddi, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidammada, Xoogga Dalka, Booliska, Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Xildhibaanno ka mid ah labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Madax ka socotay saaxiibbada caalamka ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST