
Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal (FEIT) ayaa shaaciyay in aysan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid jadwalka dhaarinta xildhibaannada cusub ee labada gole.
War kooban oo ka soo baxay guddiga FEIT ayaa lagu caddeeyay in dhaarinta xildhibaannada labada gole ee Baarlamanka Federaalka ay u dhacayso sidii loo qorsheeyay 14 bishan April 2022.
“Waxaan halkan idinku wargelinaynaa in maalinta Khamiista 14-ka April, 2022 ay tahay maalinta la qabanayo munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada cusub” ayaa lagu yiri qoraalka.
Xildhibaannada aan weli qaadan shahaadada iyo kaararka aqoonsiga ayaa guddigu ka codsaday in ay degdeg u qaataan.
Dhaarinta ayaa ka dhacaysa xarunta Afisyooni sida ku cad qoraalka guddiga doorashooyinka heer Federaal ee FEIT.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.