Urur siyaasadeedka Mideeye oo ku guulaystay duqa degmada Qardho

Cabdi Siciid Qaal

Golaha degaanka cusub ee degmada Qardho oo ku soo baxay doorashadii qof iyo cod ee dhacday 25 October 2021 ayaa maanta doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen.

Duqa degmada Qardho waxa ku guulaystay Cabdi Siciid Qaal oo ka tirsan urur siyaasadeedka Mideeye kadib markii uu 20 cod ka helay tirada guud ee xubnaha golaha degaanka oo ka kooban 33 xubnood.

Maxamed Faarax Cabdi Buraale oo la tartamay islamarkaana ka socday urur siyaasadeedka Xukuumadda ee Kaah ayaa isna helay 13 cod oo keliya.

Sidoo kale Maxamed Cabdillaahi Siciid oo ka tirsan urur-siyaasadeedka Sincad ayaa ku guuleystay Guddoomiye ku-xigeenka degmada Qardho.

Urur siyaasadeedyada mucaaradka ah ee SINCAD iyo Mideeye ayaa ururka Xukuumadda ee Kaah kaga adkaaday doorashada kadib markii ay samaysteen isbaheysi.

PUNTLAND POST