
Dayax-gacmeedka SpaceX Falcon 9 ayaa maalmo ka hor si nabad ah ugu xirtay saldhiga hawada sare.
Dayax-gacmeedkan ayay ku qaadatay mudda laba saacadood in uu ku gaaro saldhiga hawada sare, ka dib markii uu ka duulay xarunta laga diro dayax-gacmeedada ee Kennedy Space Center oo ku taalla gobolka Florida ee dalka Maraykanka.
Sarkaalka maamulayey hawlgalka shirkadda Axiom, Michael Lopez-Alegria oo ahaa cirbiyeen hore oo ka tirsanaa hay’adda NASA, oo haysta dhalashooyinka dalalka Maraykanka iyo Spain, ayaa u duulay hawada sare afar jeer oo hore.
Safarkiisa waxa haatan ku wehelinaya saddex ganacsade oo kale oo kala ah, Larry Connor oo ah maalqabeen Maraykan ah oo ka ganacsada guryaha, Mark Pathy oo isna ah ganacsade u dhashay dalka Canada iyo Eytan Stibbe oo isna ah duuliye hore iyo ganacsade u dhashay dalka Israa’iil.
Qiimaha tigidhada safarkan ayaa la sheegay inay ku kacayaan guud ahaan $55 million oo dollar.
Saldhiga hawada sare ayaa dhulka u jira illaa 400 KM, waxaana ka socday shaqooyin badan oo ay jiraan cilmi-baadhiso lagu hayo in dawo loo helo xanuunka Cancerka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.