Dagaal culus oo ka socda degmada Diinsoor

Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ayaa sheegaya in saaka dagaal culus ka socdo  degmada Diinsoor.

Dagaalka ayaa sida la sheegayo u dhexeeya xoogag ka tirsan Al-shabaab iyo Ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Al-shabaab ay madaafiic ku garaacday saldhiga Ciidanka Itoobiya ku leeyihiin magaalada Diinsoor sida laga soo xigtay goob-joogayaal.

Weli faahfaahin lagama hayo khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka labada dhinac.

PUNTLAND POST