
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaaliya ayaa shaaciyay in gacanta lagu dhigay askar ka wada tirsan ciidamada dowladda oo shalay israsaaseyn dad ay ku dhinteen ku dhexmartay magaalada Marka ee Gobolka Shabeellada hoose.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in gacanta lagu hayo dhammaan askartaas ku eedaysan shaqaaqadii ka dhacday Marka.
Af-hayeenka ayaa tilmaamay askartii la soo xiray ay hadda ku jiraan xarunta hay’adda danbi-baarista ee C.I.D-da laguna wareejin doono maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dalka.
Ciidamada ayuu sidoo kale uga digay in ay qayb ka noqdaan shaqaaqooyinka la xiriira muranka iyo aanooyinka Qabiilka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.