Hawlgalka Nabad Ilaalinta ATMIS, ayaa shaaciyay in ay gebi ahaanba xirayaan xarunta Xalane inta u dhexaysa 10-16 bishaan April, si baaritaan amni loogu sameeyo gudaha Xalane.
“ATMIS waxay howlgal amni ka fulin doontaa saldhigga 10-ka illaa 16-ka April, si loo ogolaado hubin amni oo mideysan, xerada waxay gali doontaa xayiraad buuxda muddada kor ku xisan.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska ATMIS.
Qoraalka oo loo diray safaaradaha iyo wakiilada ku sugan Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu hakiyay dhammaan hawlihii ka socday xarunta Xalane, oo ay ku jiraan ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqyada kale.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmatay, xilli loo diyaar-garoobayo in14-ka bishan April gudah xarunta Afisyooni ee Xalane lagu dhaariyo xildhibaannada la soo doortay ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, si loo dardar geliyo doorashada.
Sidoo kale, wuxu ku soo aaday, iyadoo khilaaf soo kala dhex galay hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaare Rooble, kadib markii Ra’iisul wasaaruhu dalka ka ceyriyay Francisco Madeira.
Halkaan ka akhriso qoraalka

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.