Wasiir Lugatoor oo u jawaabay odayaal ka hadlay degmada Boocame

Wasiirka duulista Hawada Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa jawaab ka bixiyay hadal ay jeediyeen qaar kamid ah odayaasha degmada Boocame oo ka tirsan Gobolka Sool.

Odayaasha ayaa sheegay in aysan qaadan doonin go’aankii ka soo baxay guddiga nabadaynta Saax-maygaag iyo Senge-jebiye.

Wasiir Lugatoor oo ka soo jeeda degmada Boocame ayaa sheegay in la dhaqan-gelin doono go’aankii guddiga nabadaynta si loo xalliyo xiisadda ka dhex jirta labada dhinac.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in hadalkii odayaashu jeediyeen uu ahaa mid laga soo abaabulay magaalada Laascaanood oo aan ka imaan bulshada degmada Boocame.

Halkaan ka daawo muuqalka

PUNTLAND POST