Taliyaha Ciidanka booliska DPL S/guuto Maxamed Cali Xaashi iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga iyo wasiir ku xigeenka amniga DDRta Puntland Cabdullaahi Cabdi salaan oo safar shaqo ku marayay gobolka Mudug ayaa gaaray degmada Jiriiban.
Waxaa qayb ka ah wafdiga Taliyaha qaybta gobolka Mudug G/sare Muumin Cabdi shire,Gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug Maxamed Xassan Waloore
Masuuliyiinta waxaa degmada Jiriiban ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha degmada,taliyaha Saldhiga,cuqaasha iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Taliyaha ciidanka booliska DPL S/guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa umahadceliyay masuuliyiinta iyo saraakiisha soo dhaweeysay,taliyaha oo la hadlay ciidanka booliska Saldhiga Jiriiban ayaa ku booriyay dadaalada amni ee haatan wadaan iyo guulaha ay gaareen isagoo kula dardaarmay dardargalinta iyo adkaynta amniga degmada.












PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.