
Dowladda Maraykanka aya walaac ka muujiyay warar ku saabsan in gabood-fallo ay ka dhaceen Gobolka Tigray ee waddanka Itoobiya.
Gabood-falladaas ayaa la rumaysan yahay in ay dhaceen mudadii ay socdeen dagaalladii u dhexeeyay Ciidamada dowladda Itoobiya iyo Jabhadda TPLF.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Ned Price ayaa sheegay in Maraykanku uu aad uga xun yahay natiijooyinkii dhawaan ay si wadajirka ah u soo saareen hay’adaha xuquuqul insaanka ee Amnesty International iyo Human Rights Watch.
Warbixintu waxay muujisay tacadiyo ay kamid yihiin in boqollaal rayid ah oo ku nool galbeedka Tigray lagu khasbay in guryahooda ay ka baxaan, loona geystay hanjabaad, xadgudub galmo, hor istaag gargaar iyo dil aan sharci ahayn.
Dowladda Itoobiya, ayaa iyana sheegtay inay si taxadar leh u baari doonto warbixintan, waxa ay sidoo kale ku dhaliishay in warbixintu ay hal dhinac u janjeerto.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.