
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntlan, Maxamed Cali Nuur (Jubba), ayaa maanta si rasmi ah xilkiisii ugala wareegay kusimihii hore ee Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Maxamuud Cabdisalaan.
Xilwareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Waxbarshada, Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada, Wasiir-dowlaha Waxbarashada, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Puntland, Guddiga xilwareejinta Puntland iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada iyo hay’adaha taageera waxbarashada.
Kusimihii hore ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Maxamuud Cabdisalaan, ayaa sheegay inuu meel wanaagsan gaarsiiyay shaqada xafiiskiisa Agaasimaha Guud, wuxuuna intaas ku daray inuu waayo aragnimo badan ka qaatay intii uu la shaqaynayay shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
Waxa kale oo uu Maxamuud u mahadceliyey Wasiirka Waxbarashada, Cabdullaahi Maxamed Xasan, oo ku aamminay xilkaan weyn ee Wasaaradda Waxbarashada iyo dhammaan shaqaalaheeda mugga ku leh Puntland ugana dhigay kusime Agaasime guud, isagoo tilmaamay in uu sidoo kalana wada shaqayn aan hagar lahayn kala kulmay.
Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Waxbarashada, Maxamed Cali Nuur Jubba, ayaa isna sheegay inuu ku faraxsanyahay shaqadaan cusub, isagoo u mahadceliyay shaqada uu qabtay agaasimihii hore, wuxuuna ballanqaaday inuu si wanaagsan hawshiisa ugasoo bixi doono haddii lagu garabsiiyo hawshiisa.
Jubba wuxuu sheegay inuu si qaddarin iyo xushmad leh ula shaqayndoono qofka ugu sarreeya iyo qofka ugu hooseeeya Wasaaradda Waxbarashada.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Cabdullaahi Maxamed Xasan, ayaa xafladda ka jeediyay hadallo isugu jira mahadcelin Agaasimihii hore iyo soo dhowaynta Agaasimaha cusub, waxa uuna sheegay inay hortaal shaqo baaxad wayn, wuxuuna Ilaahay uga baryey iyadoo bil Ramadan ah in shaqadaa Ilaahay ku asturo.
Halkaan ka eeg sawirada














PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.