Dowladda Imaaraadka Carabta oo gargaar horleh soo gaarsiisay Soomaaliya

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaan goor dhoweyd ku wareejisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya 26-Kunteenar oo ay ku jiraan noocyada kala duwan ee raashinka.

Waxaa deeqdan si rasmi ah ula wareegay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gargaarka Axmed Abuukar Axmed.

Gargaarka cusub ayaa loogu tala-galay in lagu caawiyo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saamaysay sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliya.

Tan ayaa lagu sheegay deeqdii shannaad oo ay dowladda Imaaraadka Carabtu soo gaarsiiso Soomaaliya.

PUNTLAND POST