
Alle ha u naxariistee, Garaad Maxamuud Cismaan Mashqare aya lagu wadaa in maanta aas loogu sameeyo degaanka Carrooley oo ka tirsan Gobolka Sool.
Garaadka oo kamid ahaa isimada Puntland ayaa dhowaan ku geeriyooday waddanka Turkiga.
Isimo, Culimaa’udiin, mas’uuliyiin iyo dadweyne kala duwan oo ka qayb-galaya aaska marxuumka ayaa ku sugan degaankaas Carrooley.
Meydka marxuumka ayaa shalay laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe halkaas oo lagu tukaday salaadda Janaasada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.