Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal (FEIT) ayaa shaaciyay in mar kale dib loogu laabanayo doorashada afar kursi oo horay guddigaas u hakiyay.
War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga FEIT ayaa lagu sheegay in dhammaan kuraastaas ay ku soo baxeen nidaam baal-marsan habraacyadii iyo hannaankii doorashad islamarkaana natiijadoodu ay tahay waxba kama jiraan.
Kuraasta guddigu go’aamiyay in lagu celiyo doorashadooda waxa kamid ah kursiga Hop#086 oo uu ku soo baxay agaasimihii hore ee hay’adda NISA haddana ah la-taliyaha dhinaca Amniga madaxweyne Farmaajo Fahad Yaasiin.
“ Guddiga hirgelinta doorashada heer Federaal waxa uu go’aamiyay in dib loogu noqdo doorashada dhammaan kuraastan si loo saxo habraacii qaldamay” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka FEIT.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.