Taliye ku xigeenkii hore ee Hay’adda NISA oo sheegay in ay qorshe halis ah waddo Villa Somalia

Taliye ku xigeenkii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Ismaaciil Daahir Cusmaan ayaa sheegay in Villa Somalia waddo abaabul lagu tashkiilinayo qaar kamid ah Xildhibaannada cusub ee la doortay in ay isku qarxiyaan Safiirada Reer Galbeedka ee ku sugan Xarunta Xalane.

Qoraal kooban oo uu soo geliyay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay ku sheegay in Fulinta Hawshaas loo xil-saaray Shakhsiyaad ka tirsan Hay’adda NISA iyo Golaha Wasiirada Federaalka islamarkaana Qoraalkii NISA uu ahaa mid la isku bari-yeelayo haddii uu fulo Qorshaha Villa Somalia.

Qolyaha Xalane degen ayaa helay XOG & qorshe qaar ka mid ah Xildhibaanada cusub in lagu tashkiiliyay in ay isku qarxiyaan qaar ka mid ah safiirada ama madax kale. Qorshaha ayaa ah mid laga abaabulay Villa Somalia fulinteedana loo xil saaray shaqsiyaad ka mid ah NISA & Golaha Wasiirada. Qoraalka NISA waa iska bari yeelid haddii uu fulo qorshaha Villa Somalia” ayuu yiri Ismaaciil.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay saacado kadib markii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ay ka digtay shirqool sida ay sheegtay Al-shabaab ku dili rabaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

PUNTLAND POST