Madaxweyne hore Sheikh Shariif oo si adag uga hadlay Qoraalkii ka soo baxay Hay’adda NISA

Madaxweynihii hore Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa sheegay in Qoraalkii xalay ka soo baxay Hay’adda NISA uu muujinayo isku-milanka NISA iyo Al-shabaab.

“Waa ayaan darro aad uweyn in hey’adii loo igmadey Amniga Qaranka dalka in ay dacaayad u sameeyneyso kooxaha argagixisada hormuudna u noqotey cabsigelinta madaxda qaranka, waxay calaamad weyn u tahay digniino muddo la bixinaynay oo ah isku milanka hay’adda Nabadsugidda qaranka iyo kooxda Argagixisada taasoo ka dhalatay siyaasadeynta qaybaha kala duwan ee ciidanka amniga Qaran” ayuu yiri Shariif.

Madaxweyne hore Sheikh Shariif ayaa Ra’iisul wasaare Rooble iyo Golihiisa Wasiirada ugu baaqay in ay qaataan masuuliyadooda ku aadan arrimaha Amniga Dalka kana hortagaan wax kasta oo khalkhal gelin kara amniga Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

“Sidaas daraadeed axaan ugu baaqayaa Raysul Wasaaraha JFS iyo Golahiisa wasiiradda in ay qaataan masuuliyadooda ku aadan arrimaha Amniga Dalka kana hortagaan wax kasta oo khalkhal gelin kara amniga Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed”

Waxaa nasiib daro weyn ah in digniinta hay’adda NISA lagusoo beegay xilli ay habsami u socoto shahaadasiinta xildhibaanada barlamaanka 11 iyo dhaarinta xildhibaanada oo loo madlanyahay 14 bishan, sidaas darteed waxaan uga digayaa Mdaxweynaha JFS iyo hay’adaha amniga ee hoos yimaada wax waliba oo khalkhal gelinkara geedisocodka doorashada dalka” ayuu sii raaciyay.

PUNTLAND POST