Hay’adda NISA oo ka digtay shirqool lagu dilayo Farmaajo iyo Rooble

Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa digniin ka bixisay shirqool sida ay sheegtay Al-shabaab la beegsan rabaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

Qoraal lagu daabacay bogga Twitter-ka NISA ayaa lagu sheegay in Hay’addu la wadaagtay Madaxda Qaranka warbixin ku saabsan shirqool lagu beegsanayo Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalka.

Hay’adda NISA ayaa tilmaantay in Fulinta Shirqoolkaas loo xil-saaray Maxamed Maahir oo ka tirsan Saraakiisha Sare ee Al-Shabaab.

Hay’adda ayaa sidoo kale caddaysay in ay daba-gal ku hayso cid kasta oo ku lugleh shirqoolka Al-shabaab u maleegayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalka.

Halkaan ka akhriso Qoraalka

PUNTLAND POST