War-saxaafadeed ka soo baxay Beesha Ismaaciil Saleebaan (Majeerteen) ayaa si adag looga hadlay ballan ka-bax iyo Caddaalad-darro Beesha sheegtay in uu ku sameeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay dikreetooyinka Madaxweynuhu maalmo ka hor ku magacaabay mas’uuliyiinta kala duwan aysan ahayn kuwa waafaqsan ballamihii uu la galay Hoggaanka dhaqanka Beesha Ismaaciil Saleebaan islamarkaana aysan caddaalad ku dhisnayn.
Beesha ayaa sheegtay in Madaxweyne Deni uusan caddaalad u samayn karin Qaranka Soomaaliyeed maadaama uu ku fashilmay u garsooridda Puntland oo qoys ah.
Hoggaanka dhaqanka ayaa sidoo kale ku baaqay in Beesha Ismaaciil Saleebaan isugu timaado Shir deg deg ah oo ka dhana Maamulka Madaxweyne Siciid Deni.
Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka



PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.