Waxaa maalintii labaad si habsami leh xarunta guddiga doorashooyinka heer federal ee FEIT uga socota diiwaangelinta iyo shahaado siinta xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 11-aad.
Xubno laga soo doorto Koonfur Galbeed oo ay hoggaaminayaan Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo Shariif Maxamed Cabdalla ayaa maanta lagu bilaabay shahaada-siinta Xildhibaannada.
Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe oo ku fadhiya kursiga HOP#189 ayaa saaka lagu bilaabay shahaada siinta sidoo kale waxaa qaatay Xildhibaan Shariif Cabdalla oo ku fadhiya HOP#085.
Sidoo kale Xildhibaan Cabdullaahi Aaden Black ayaa ka mid noqday Xildhibaannada maanta qaatay shahaadada rasmiga ah ee Xildhibaannimo.
PUNTLAND POST