Qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho oo saaka xiran

Laamaha Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa saaka xiray qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah magaalada Muqdisho.

Waddooyinka ay xireen Ciidamadu waxaa kamid ah  inta u dhaxeysa Isgoyska Tarabuunka ilaa km4, Warshadda Caanaha ilaa Wadada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee wadada Warshadaha ilaa Isgoyska Ex-koontorool Afgooye.

Ciidamada Amniga Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin sababaha loo xiray waddooyinka, waxaana la arkayay dadka Shacabka ah oo lugeynaya.

PUNTLAND POST