
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlaydabkii caawa ka kacay suuqa weyn ee magaalada Hargaysa ayaa Alle uga baryey in uu u booga dhayo dadkii ku waxyeeloobay.
Madaxweyne Farmaajo oo sooray war qoraal ah ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan walaalahooda hantidooda ku waayey masiibadan, isaga oo xusay xaaladda abaareed ee uu dalka ku jiro iyo duruufaha dhaqaalaha ee dunidu ay la tacaalayso.
“Waxaan murugada la qeybsanayaa walaalaha ganacsatada ah ee dabka ka kacay suuqa Hargaysa uu galaaftay hantidooda, waxaan fadliga bisha Ramadaan awgeed Alle uga baryayaa in uu ka siiyo beddel ka khayr badan hantida halkaas kaga gubatay” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha ayaa ka codsaday dadka Soomaaliyeed in ay maalmahan barakaysan awgood ugu hiiliyaan walaalahooda dhibtu soo gaartay, lana garab istaagaan duco iyo taakuleyn inta ay karaan.
Dabka ka kacay suuqa weyn ee Hargeysa oo aan weli lagu guuleysan in la damiyo ayaa geystay khasaare baaxad weyn oo hantiyeed.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.