
Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ka horyimid Go’aankii Fahad Yaasiin looga reebay Liiska Xildhibaannada la doortay ee Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.
War-saxafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in Kursiga Hop#086 ee uu ku soo baxay Fahad Yaasiin uu maray dhammaan Habraacyadii Doorashada islamarkaana aysan jirin cid ka tirsan Beesha Kursigaas leh oo dacwad ka gudbisay.
“Kursiga HOP086 wuxuu soo maray dhamaan habraacyadii loogu talagalay doorashooyinka , mana jirin wax dacwo ah oo nooga timid beesha leh kursiga ama murashaxiintii ku tartantay” ayaa lagu yiri Qoraalka.
Hirshabeelle ayaa tilmaantay in Go’aanka Kursigaas lagu reebay uu yahay mid baal-marsan Habraacyadii iyo Heshiisyadii Doorashada waxaana ay Guddiga FEIT uga digtay in aysan siyaasadayn Arimaha Doorashooyinka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.