Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in Sabtida berriya ay Ramadaan tahay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Sabtida berriya ay tahay maalinta kowaad ee bisha Ramadaan kadib markii sida ay sheegtay bishii laga arkay gudaha dalka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble ayaa dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay dhalashada bisha Ramadaan.

Puntland oo markii hore sheegtay in aysan berri soon ahayn ayaa sidoo kale mar danbe ka laabatay go’aankaaas waxayna ku dhawaaqday in ay soon tahay.

Dhammaan maamulada kale ee Soomaaliya ayaa si lamid ah soon laga iclaamiyay marka laga reebo Somaliland oo sheegtay in aysan berri soon ahayn.

PUNTLAND POST