
Ciidanka Sirdoonka gaar ah ee Puntland ayaa sheegay in ay saacadihii la soo dhaafay hawgal qorshaysan ka fuliyeen buuraleyda silsiladda Golis o oks tirsan Gobolka Bari.
Warbixin kooban oo ay soo saareen Ciidankaas ayay ku sheegeen in hawgalka laga fuliyay Madarshoon iyo Dhagax-dhaabur oo ka tirsan silsiladda Golis.
Waxay sheegeen in ay khasaare gaarsiiyeen kooxaha nabad-diidka ah islamarkaana saldhigyo ciidan ka burburiyeen.
Sidoo kale waxay ballan-qaadeen in ay hawlgalka sii wadayaan si loo wiiqo kooxaha nabad-diidka ah ee ku sugan silsiladda Golis.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.