Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Agaasimayaal guud

Garoowe: 31 March 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 20 ee 30ka March 2022 kuna saabsan magacaabid Agaasimayaal Guud.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo magacaabista Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Puntland.

Wuxuu Xeeriyey:

Bedel

  1. Waxaa Maxamed Cali Nuur (Jubba) loo Bedelay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Magacaabid

  1. Waxaa Maryan Maxamed Abshir loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.
  2. Waxaa Maxamed Cabdi Cilmi loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.
  3. Waxaa Maax Axmed Yuusuf loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.
  4. Waxaa Xaashi Xuseen Faarax loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.
  5. Waxaa Aadan Cabdi Jaamac loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Beeraha.
  6. Waxaa Salmaan Farxaan Suudi loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha.
  7. Waxaa Cabdullaahi Siciid Awyusuf loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda.
  8. Waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee TV iyo Raadiyaha Dowladda Cali Cabdi Cali Faarax Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD