Somaliland: Muxuu isu casilay Wasiir Ataash?

Wasiirkii Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed Ataash ayaa iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu ka hayay xukuumadda Muuse Biixi.

Wasiir Cabdirisaaq Ataash ayaa maanta is casilaadiisa u gudbiyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo is casilaadaas ka aqbalay.

Mudane Ataash oo ka soo jeeda gobolka Sool ayaa la filayaa inuu beri oo khamiis ah magaalada Hargeysa kaga dhawaaqo Urur Siyaasadeed cusub oo lagu magacaabo Waaberi.

PUNTLAND POST