Madaxweyne Deni oo dastuur jabin lagu eedeeyay

Urur siyaasadeedyada Mideeye iyo Sincad ayaa walaac xoogan ka muujiyay dib u dhaca ku yimid fariisinta golayaasha deegaanka Qardho, Eyl iyo Ufayn oo doorasho qof iyo cod ah lagu doortay 25kii bishii Oktoobar ee sanadkii hore 2021.

Mideeye iyo Sincad oo war-saxaafadeed wadajir ah soo saaray waxay Madaxweyne Deni iyo xukuumadiisa ku eedeeyeen in ay jabiyeen Dastuurka Puntland qodobadiisa 44-aad iyo 124-aad iyo sidoo kale xeerka golayaasha deegaanka ee No. 7, kuwaas oo dhigaya in 30 cisho gudahood lagu fariisiyo golaha la doorto.

Labada urur siyaasadeed waxay tilmaameen in ay diyaarinayaan fariisinta golayaasha deegaanka Qardho, Eyl iyo Ufayn, maadaama sida ay sheegeen aysan diyaar u hayn xukuumadda Puntland.

Urur siyaasadeedka Kaah, ee hoggaamiyo Madaxweyne Deni ayaa doorashadii saddexda degmo helin codad ka badan wadarta codadka Mideeye iyo Sincad.

PUNTLAND POST