
Guddiga qaranka ee gurmadka abaaraha Soomaaliya ayaa deeq raashin ah gaarsiiyey Galmudug, iyadoo laga qaybiyey ilaa 8-degmo oo ay aqaladooda ku gaartay kaalmadu qoysas dhan 250 qoys oo ah danyar, Agoon iyo dad liita oo abaartu si aad ah u saameysay.
Raashin dhan 25kg oo bur ah, 25kg oo sokor ah iyo 3LT oo saliid ah ayaa la siiyey 250-kan qoys oo ku sugan degmooyinka Caabudwaaq, guriceel, Dhuusamareeb, Balambal, Cadaado, Gaalkacyo, Xeraale iyo hobyo
Gudigga qaranka ee gurmadka abaaraha Soomaaliya ayaa qaybinta deeqdan u wakiishey samafalayaal Howshan u gutay si hufan, waxaana kaalmadan la siiyey ka mahad celiyay qoysaska la gaarsiiyey oo qaarkood warbaahinta qaranka la hadalay aya sheegay in kaalmadan ay baahi weyn u qabeyn wax badana ay noloshooda ka dabari doonto.
Tirada qoysaska gurmadkan la gaarsiiyey oo tiro ahaan aad u kooban marka loo eego xaalada jirta ee ka dhalatey abaarta ayaa ka dhigaysa in loo sii baahan yahay taakulo baaxad leh si dadka tabaaleysan bisha ramadaan kaalmo uga dhigtaan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.