Gaari khamri siday iyo raggii watay oo lagu soo bandhigay Gaalkacyo

Laamaha Amniga Gobolka Mudug ee Puntland ayaa xalay gacanta ku dhigay gaari khamri siday iyo raggii watay oo doonayay in ay ku iibiyaan gudaha magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada ayaa soo bandhigay gaari NOAH oo ay ku raran yihiin dhalooyin khamriya iyo laba nin oo watay gaarigaas.

Saraakiisha Ciidamada ayaa goob fagaare ah ku burburiyay khamriga oo gaarayay in ka badan 400 oo dhalo kaas oo lagu qabtay hawlgalkii xalay.

PUNTLAND POST