
Ciidamada Puntland ayaa gacanta ku dhigay doonyo laga leeyahay dalal shisheeye oo si sharci-darro ah uga jillaabanayay xeebaha Puntland.
Ciidanka PMPF oo kaashanaya Booliiska ayaa xeebaha degmada Xaafuun oo ka tirsan Gobolka Bari ku qabtay doonyaha sida sharci-darrada ah uga kalluumeysanayay halkaas.
Qoraal ka soo baxay PMPF ayaa lagu sheegay in hawgal laba cisho ka socday xeebaha degmada Xaafuun lagu qabtay doonyaha shisheeye inkastoo aan la sheegin dalalka laga leeyahay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.