Madaxweynaha Ukraine oo dowladaha reer galbeedka ka dalbaday kaalmo militari

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ka dalbaday dalalka reer galbeedka in ay dalkiisa ku caawiyaan diyaarado, taangiyo iyo hubka difaaca gantaalada.

Mr Zelensky ayaa sheegay in diyaaradaha Ruushka aan lagu soo ridi karin qoryaha darandooriga u dhaca.

Ra’iisul wasaaraha Slovakia, Eduard Heger, ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu u diro hubkiisa difaaca gantaallada hawada ee S-300 ee Soofiyeeti uu sameeyay, haddii beddelkiisa la heli karo.

Dowladaha Reer Galbeedku weli jawaab kama bixin codsiga uga yimid Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.

PUNTLAND POST