Guddiga maamulka doorashada heer dowlad goboleedka Hirshabeelle, ayaa maanta lagu wadaa in ay magaalada Beledweyne ku qabtaan doorshada kursiga Hop#058 oo ay ku tartamayaan musharrixiin kala duwan
Shalay ayaa loo madal sanaa in la qabto doorashada balsa dib ayay u dhacday, waxana hadda Beledweyne ka socodo qaban qaabada doorashada kursigasi, Musharaxiinta ku tartami doono kursiga doorashadiisa la qabanayo ayaa kala ah:
Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Eng Yoonis Maxamed Nuur, Cali Cabdullaahi Cosoble, Cabduqaadir Xuseen Coloow, Maxamuud Afdhuub Makaraan, Cabdullaahi Axmed Xuseen iyo Ubax Cali Sheegow
Hirshabeelle ayaa weli waxa ku harsan kuraas dhowr ah oo an la qaban doorashadooda, iyadoo lagu wado in ugu dambeeyn 15-bisha soo socoto la soo gaba gabeeyo doorashada xildhibannadana la dhaariyo si ay wajibkood u gutaan.
PUNTLAND POST