Dagaal u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo Al-shabaab oo ka socda degaanka Af-urur

Dagaal u dhexeeya Al-shabaab iyo Ciidamada Puntland ayaa ka socda degaanka Af-urur oo ka tirsan Gobolka Bari.

Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa sida wararku sheegayaan saaka aroortii hore weerartay degaanka Af-urur halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada difaaca Puntland.

Weerarka ayaa ku bilowday hoobiyaal lagu garaacay saldhiga kaas oo Ciidamadu kaga jawaabeen hubka culus sida ay xaqiijiyeen saraakiil kala duwan.

Khaasare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaalka labada dhinac inkastoo aan weli xog sugan laga helin.

Wixii ka soo kordha kala soco Puntland Post