Puntland: Wasiir Abgaal oo weerarkii Beledweyne ku tilmaamay mid siyaasadeed

Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa weerarkii Beledweyne ee lagu dilay 48 qof oo ay ka mid ahayd xildhibaan Aamina ku tilmaamay mid siyaasadeed.

Xasan Abgaal oo maanta hadal ka jeediyay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ay isku milmeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ururka Al-shabaab. Wuxuu kaloo sheegay in dalku u baahan yahay isbedel siysaasadeed, madaxweynaha Puntland-na uu ka mid yahay dadka doonaya isbedelkaas.

Muuqaal: Xasan Abgaal oo arrimahaas iyo kale ka hadlaya.

Weerarkii Beledweyne ee todobaadkii hore waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay ururka Al-shabaab.

PUNTLAND POST