Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa dagaal xalay ka dhacay duleedka waqooyi ee magaalada Dhuusamareeb.
Dagaalkan ayaa sida la sheegay qarxay kadib markii Ciidamo ka tirsan Ahlusunna ay wada u galeen kolonyo ay wateen Ciidamada Galmudug.
Koox ka tirsan Ahlu-suna ayaa la soo sheegayaa iney dhexda u galeen laba gaari oo uu watay taliyaha ilaalada madaxtooyada Dhuusamareeb.
Ugu yaraan afar askari ayaa ku dhintay dagaalka halka lix kalena ku dhaawacantay islamarkaana lagu gubay gaari Cabdi-bile ah.
Dhaawacyada askarta ayaa lagu wadaa in maanta la geeyo magaalada Muqdisho.
PUNTLAND POST