Maydka Xildhibaan Aamino oo la geeyay Muqdisho

Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo xildhibaan hore Cali Cabdi Dhuxul oo ku dhintay qaraxii xalay ee Beledweyne ayaa maanta maydkooda diyaarad lagu geeyay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo madaxdii hore ee dalka ayaa salaadda Janaasada ku tukaday maydka labada marxuum.

Labada marxuum ayaa beri aas qaran loogu sameyn doonaa magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo xildhibaan hore Cali Cabdi Dhuxul ayaa ka mid ahaa dad 50 ruux ku dhow oo ku geeriyooday qaraxyadii Beledweyne.

PUNTLAND POST