Maxay tusaale u ahayd xildhibaan Aamina?

Aamina Maxamed Cabdi oo 10-kii sano ee u dambeeyay ka tirsanayd Galaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xalay fiidkii lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Aamina waxay ahayd xubin firfircoon oo Golaha Shacabka ku soo biidhay 2012, haddana waxay u taagnayd in ay u tartanto kursiga ay ku fadhiday ee Hop#135 oo dood adag ka jirto doorashadiisa.

Aamina waxay ahayd 40 sano jir ku adag dhaqanka iyo diinta, waxayna inta aysan siyaasadda soo gelin muddo ku jirtay bahda waxbarashada, iyadoo soo noqotay macallin dugsi Quraan iyo mid iskuul.

Aamina waxay ka tirsanayd Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ee hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaan Aamina waxaa lagu xasuustaa doorkeedii xaq u dirirka ee kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ay ku eedeysan yihiin saraakiishii hore ee NISA oo hadda ka mid noqday Baarlamaanka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble waxa uu sheegay in Aamina ay tusaale u ahayd matalaadda shacabka iyo u doodista caddaaladda & xuquuqda muwaadiniinta.

“Xildhibaan Aamino oo la wada ogyahay doorkeedii caddaalad u raadinta marxuumad Ikraan Tahaliil, maalmo ka horna la isku dayay in kursigii ay u tartameysay la boobo, waxaa caawa loo dilay si aan caddaaladdu u guuleysan iyo in la niyad jabiyo cid kasta oo xaqa ku fara adeygta” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay weerarka lagu dilay Aamina.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxyada Beledweyne, waxayna sheegeen in ay labo qarax ka fuliyeen xerada Lama Galaay oo ay joogeen siyaasiyiin u sharaxnaa xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowadda Federaalka iyo Hirshabeelle.

PUNTLAND POST