Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in qaraxyadii Beledweyne ay ku dhinteen 48 qof, sidoo kale ku dhaawacmeen 108 ruux.
Madaxweyne Guudlaawe oo faahfaahin ka bixiyay qaraxyadii Beledweyne xalay gilgilay ayaa tilmaamay in qaraxa koowaad uu fuliyay qof ismiidaamiyay oo isku qarxiyay mas’uuliyiin ay ka mid ahayd xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi. Sidoo kale qaraxa kale ayuu sheegay in uu ahaa mid gaari loo adeegsaday oo lala beegsaday dhaawacyadii laga soo qaaday qaraxa koowaad, kaas oo ka dhacay meel dadku ku badan.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa si adag u cambaareeyay weeraradaas, wuxuuna u tacsiyeeyay ehelada iyo qaraabada Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, mas’uuliyiinta iyo shacabkii ku nafwaayay weerarkii xalay ee Beledweyne.
Madaxweyne Guudlaawe ayaa ugu dambeyn amray maamulka gobolka Hiiraan iyo laamaha amaanka in ay adkeeyaan amaanka, baaris dhameystirana ku sameeyaan falalkii argagixiso ee xalay dhacay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.