Qaraxyo ka dhacay Beledweyne iyo xildhibaan hore oo ku dhintay

Qaraxyo is-xigxiga ayaa caawa ka dhacay magaalada Beledweyne, kuwaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad ay ka mid yihiin musharaxiin xildhibaano raadinayay.

Qaraxa koowaad oo ahaa mid uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxaya ayaa ka dhacay afaafka hore ee maadxtooyada Beledweyne, waxaana lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ka mid ah ahayd Baarlamaanka 10-aad ee muddo xiloodkood dhammaaday, hadana u sharaxnayd kursiga ay ku fadhiday.

Sidoo kale labo qarax oo kale iyo rasaas xoogan ayaa laga maqlay gudaha magaaalda Beledweyne, waxayna xaaladda magaaladu tahay mid kacsan.

Isbitaalada magaalada ayaa la gaarsiiyay dhaawac kala duwan, welina lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dhashay qaraxyadaas.

PUNTLAND POST